Dhageyso: Roob Dad iyo Duunyo Ay Ku Diirsadeen Oo Ka Da’ay Degmadda Tiyeeglow Ee Gobalka Bakool

0
402

Tiyeeglow(INO)-Wararka naga soo gaaraya degmada Tiyeegloow ee gobalka Bakool ayaa sheegaya in roobab badan ay ka da’een deegaanada hoos yimaada degmadaas iyo gudaha magaalada.

roob-

Gudoomiyaha degmadaas ayaa usheegay Warbaahinta Gudaha Dalka  in ay xoolaha iyo dadkuba ku diiradeen roobabkan, isagoo sheegay in ay jiraan xaalado ka dhashay roobabkan oo ay ugu horeeyaan jidadka qaarkood oo go’ay.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay horay xaalad biyo la’aan oo baahsan uga jirtay degmadiisa, isla markaasna ay hada wax kasta caadi yihiin.

Degmada Tiyeegloow  ayaa ku jirta go’odoon ay galisay Xarakada Shabaab, markii ay gacantooda ka baxday magaaladaas.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Tiyeeglow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here