Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa wareysi uu saxaafada siiyey ku sheegay in dhinacyadii dowlada ee is haayey uu si dheelitiran ugu qeybiyey wasiiradii dhowaan uu magaacaabey. Waxuuna sidoo kale diiday eedeynta kaga imaaneysa dhinacyada Soomaalida iyo golaha badbaada Qaranka ee ay ku bahoobeen xildhibaanada barlamaanka ee ka soo horjeeda in koox gooni ah ay afdhuubto talada dalka.
Waxgaradka Soomaaliyeed ayaa hadalka Ra’iisul wasaaraha u arka mid aan sax ahayn, xubnaha golaha wasiirada uu magacaabey Cumar C/rashiidna ku tilmaamey inay yihiin kuwa dadku wada yaqaanaa oo 3dii xukuumadood ku soo jiray isla markaasna saaxiibo dhow la ah madaxweynaha iyo kooxdiisa Dam Jadiid
Golaha Badbaadinta Qaranka oo ay ku bahoobeen xildhibaano kor u dhaafaaya 100 xildhibaan ayaa ka hor inta aanu Ra’iisul Wasaaruhu dhinac xukuumadiisa qabtey shir jaraa’id ku sheegay in Cumar C/rashiid uu ka baxay heshiiskii ay galeen oo ahaa in dowlad midnimo qaran oo dhinacyada isku haaya siyaasada ay wadaagaan hase ahaatee bedelkeeda uu ka door bidey inuu dhiso xukuumadii hore oo uu Ra’iisul Wasaarihii hore C/wali ka maqan yahay. sidaasi darteedna golahoodu uusan siin doonin codka kalsoonida marka xukuumada cusub barlamaanka la hor keeno.
Madaxweyne Xasan Sheikh oo isugu soo dhaweeyey golaha cusub ee wasiirada oo inta badan ay saaxiibo yihiin ayaa waxuu qorshe uu xildhibaanada kaga dhaadhicinaayo inay codka kalsoonida siiyaan xukuumada cusub.
Dhismaha Xukuumadaan cusub ayaan wax soo dhaweyn ah kala kulmin badi shacabka Soomaaliyeed, xubnaha mucaaradka ee ku bahoobey golaha badbaada qaranka iyo beesha caalamka.
Idale News Online, Mogadishu, Somalia.