Dhageyso RADIO IDALE: Xoogaga Al-Shabaab Oo Ku Gubay Raashin iyo Lacago Gobolka Bakool

0
278

Xudur(INO)-Wararka ka imaanaya Gobolka Bakool ayaa sheegaya in Gaari Dameer Raashin iyo Lacag ay lahaayeen Ganacsato lagu gubay Gobolka sida ay sheegayaan Laamaha Amaanka.

Gudoomiyaha Degmada Xudur Maxamed Macalin Axmed Wareysi uu siiyay RADIO IDALE waxa uu ku sheegay in Al Shabaab ay gubeen Raashinkaasi oo kusii jeeday Degmada Xudur.

Al Shabaab ayaa go’doon kusoo rogay Gobolka Bakool taasi oo saameysay Ganacsiga Magaalooyinka oo meelaha qaar uu sicirka Raashinka kor u kacay.

Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka waxaa gacanta ku haya Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM.

Halkan Ka Dhageyso RADIO IDALE.

Idale News Online, Xudur

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here