Baydhabo(INO) Taliska booliska gobolka Bay ayaa sheegay iney gacanta kusoo dhigeen gaadiid lagu diyaarinayey waxyaabaha qarxa iyo dadkii doonayey iney fuliyaan qaraxyada,taliyaha ciidamada boolsika gobolka Baay Col. Mahad C/raxmaan Aadan sheegay iney ku guuleysteen soo qabashada baabuur iyo rag qaraxyo loo diyaarinayey.
Taliye Col. Mahad C/raxmaan Aadan ayaa sheegaya in dadka ay hayaan qaarkood ay ku cadyihiin falalkii ay faraha kula jireen,wuxuuna daboolka ka qaaday in kuwa kalane ay ku hayaan baaritaano dheeri ah,taliyaha ayaa sheegay in ciidanka amniga ay magaalada Baydhabo ka wadaan hawlgallo aan kala joogis lahayn oo lagu baacsanayo Al-shabaab.
Col. Mahad C/raxmaan Aadan ayaa sheegay in ciidanka boolisku ay xiligan si buuxda gacanta ugu hayaan amniga magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo uu dhawaan ka dhacay weerar abaabulan oo Al-shabaab ay ku qaadeen xarunta Madaxtooyada madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan SH Aadan.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Baydhabo.