Dhageyso RADIO IDALE: Maamulka Degmada Buurhakaba Oo ka warbixiyey Dad Ka Barakacey Degmadaasi

0
309

Buurhakaba(INO)-Wararka ka imaanaya degmada Buurhakaba ee gobalka Bay ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ka taagan tahay Biyo la’aan baahsan, taasi oo keentay in Qoysas badan ay halkaasi ka barakacaan. Shacab tirro badan ayaa soo gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayagoo kasoo barakacay biyo la’aanta ka jirta Buurhakaba.

Axmed Sheekh Maxamed oo ah gudoomiye ku xigeenka dhanka arimaha bulshada ee maamulka degmadaasi ayaa u sheegay RADIO IDALE in xaaladda biyo la’aanta ah ee halkaasi ka jirta ay tahay tii ugu darneyd ee ebed halkaasi ka dhacda.

Dadka ayuu sheegay in biyaha ay ka isticmaali jireen Warbiyood, hase ahaatee Wartii Biyaha ay ka dhamaadeen. Qiimo ahaan waxa uu sheegay in Fuustadii biyaha la iibiyo lacag dhan 100-kun oo shilin Soomaali ah, dadkana ay maalinba maalinta ka dambeysay ay degmada ka barakacayaan, maadaama aysan awoodin bixinta lacagtaasi. Dowladda Soomaaliya iyo hay’addaha baxsha gar-gaarka ayaa loogu baaqay in ay gurmad gar-gaar oo u badan biyo iyo raashiin la soo gaaraan dadka ku haray degmada.

Ugu dambeyntii Maamulka degmad buurhakaba ayaa baaq u direy dowlada soomaaliya iyo hay’adaha samafalka in ay u soo gurmadaan bulshada ku rafaadsan gudaha iyo tuulooyika hoostaga degmada buurhakaba ee gobolka Bay.

Idale News Online Buurhakaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here