Sida wararkeenii hore Saaka aan soo daabacnay waxa Abaare 8:00 Subaxnimo xilliga Magaalada Muqdisho lagu toogtay Fagaaraha Iskool Boliisiyo Labo nin oo la sheegay inay ahaayeen ragii dilay Wariye Maxamed Maxamuud Tima Cade iyo Sargaal katirsanaa Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliya.
C/llaahi Shariif Cusmaan 25 jir iyo Cali Bashiir Cusmaan oo da’diisa lagu sheegay 22 jir ayaa ahaa labada ruux ee Saaka lagu khisaasay Magaalada Muqdisho waxaana maxkamada Ciidanka Qalabka sida ay ku sheegtay inay ahaayeen kuwo katirsanaa Ururka Al Shabaab.
Halkan Ka Dhageyso
Xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida Cabdulaahi Xuseen Maxamed ayaa Saxaafada uga warbixiyey Dacwada loo heystay labada qof ee Saaka la toogtay iyo Taariikh ahaan iyo Falka lagu Eedeeyey Cadeymihii loo helay.
Idale News Online, Muqdisho