Taliyaha Ciidamada maamulka Puntland oo Warbaahinta Gudaha ee Puntland la hadlay waxaa uu sheegay in ay dileen tiro ku dhow 25 dagaalame oo ka tirsan Xarakadda Al-Shabaab.
Saciid Dheere Waxaa uu sheegay in lagu dilay raggaas howlgal ay fuliyeen Ciidamada maamulka Puntland , kasoo ka dhacay Buuraleyda Galgala ee gobolka Bari.
Taliyaha ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in dadka Weerarada iyo Qaraxyadda ka geysta Puntland qaarkood ay ka yimaadaan Koonfurta Soomaaliya.
Saciid Dheere ayaa ugu dambeyntii sheegay in Ciidamada maamulka Puntland ay bilaabi doonaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa dhawaan Weerar xooggan waxa ay ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Puntland ay ku leeyihiin degaanka Af Urur ee gobolka Bari , waxaana ay ku dileen Askar badan.
Audio Player