Dhageyso: Puntland oo sheegtay Daacish, Shabaab iyo Galmudug inay isku mid u yihiin

0
194

Garowe(INO)0 Maamulka Goboledka Somaliyed ee Puntland ayaa shaaca ka qaaday inay isku mid yihiin Ururka Xagjirka Daacish, Shabaab iyo Maamul Goboledka Galmudug ee fadhigiisa uu yahay Magaalada Cadaado.

Hadalkaan waxa uu ka soo yeeray Guddoomiyaha Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland ahna Sarkaal ka tirsan ciidamada Puntland Cumar Cabdulaahi Maxamed “Faraweyne”.

Masuulkaan ayaa ku faanay Magaalada Gaalkacyo inay ka difaaceen Galmudug, hadana weli ay u taagan yihiin sidii ay uga difaaci lahaayeen, isaga oo sheegay Daacishtii Qandala qabsatay iyo Puntland inaysan waxba isdhaamin.

“Waxaan sidoo kale qeyb qaadan doonaa difaaca Puntland iyo sidii loo sii xoojin lahaa amaanka magaalada Gaalkacyo, magaalada Qandalana waanu ka xarooneynaa kooxaha taga.” ayuu yiri Cumar Faraweyne oo intaasi raaicyey in kooxaha Daacish, Al Shabaab iyo Galmudug ay yihiin kuwo iskumid ah isla markaana ku eedeeyey inay dowlada Federaalka ka mid tahay dhinacyada khal khalka la doonaya Puntland.

Guddoomiyaha Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland, ayaa dhinaca kale sheegay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu waqtiga ka dhamaaday, islamarkaana uu doonaayo dalka inuu dib ugu celiyo sida uu yiri dagaaladii 1991-dii.

Puntland oo tan iyo markii uu bilowday dagaalkii Magaalada Gaalkacyo hadba dhinac cusub ku eedeynaysay ku lug lahaanshaha dagaalka Gaalkacyo, ayaa iminka isku mid ku tilmaamtay Daacish, Shabaab iyo Galmudug.

Hadalada kala duwan ee ka soo yeeraya masuuliyiinta Maamulka Puntland ayaa noqday muddooyinkii u dambeeyay kuwa un salka u haayo eedeymo.