Dhageyso: Puntland Oo Ka Feejigan Weeraro Kaga Yimaada Kooxda Al-shabaab

0
235

Garowe(INO)- Maamulka Puntland ayaa shaaciyay iney feejignaan dheeri ah kaga jiraan weeraro kaga yimaada ururka Alshabaab ee ka dagaalama dalka Soomaaliya iyo kooxda Daacish oo kusugan buuraha Galgala.

C/welli Maxamed Cali Gaas, madaxweynaha Puntland ayaa sheegay iney ka warhayaan in Alshabaabka ku sugan Puntland qorsheynayaan weeraro ay ka geystaan deegaanada Puntland.

Isaga oo ka hadlayay arimaha ku biirtaanka Al-shabaabkii ku sugnaa biiraha Galgala ee kooxda Daacish, ayuu sheegay iney isku mid u yihiin Daacish iyo Alshabaab oo si iskumid ah ula dagaalamayaan.

Dhinaca kale wuxuu sheegay in Alshabaab looga adkaan karo isku duubno ay muujiyaan shacabka iyo hogaanka Soomaalida.

Idale News Online, Garowe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here