Dhageyso: Proff. Jawaari oo sheegay in sanadkan wixii ka danbeeya dalka laga saarayo kala qoqobnaanta

0
390

Muqdisho(INO) Ku simaha madaxweynaha Soomaaliya ahna Gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed SH Cismaan Jawaari oo xalay ka hadlayey munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho taasoo lagu maamuusayey Todobaadka dhirta Soomaaliya  ayaa si cad u sheegay ineysan dowladda Soomaaliya aqbaleen in dalku kala qoqobnaado.

Jawaari

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in marka uu furmo kala fadhiga 6aad ee baarlamaanka inuu bilaabanayo isla xisaabtan,wuxuuna farta ku fiiqay in dhammaan gobolada dalka la isku furi doono,wuxuuna wax aan la qaadan karin ku tilmaamay in marka uu Hargeysa doonayo inuu ku galo Baasaboor.

Gudoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari u sheegay masuuliyiinta maamul goboleedyada dalka ka jira iyo kuwa dhismaya in baarlamaanka federaalka Soomaaliya uu la xisaabtami doono.

Afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya ayaa tibaaxay in waxyaabaha horumarka  dalka dib u dhigaya ay ka mid yihiin Qabyaaladda,Lacagta iyo afkaarta Diineed,wuxuuna ugu yeeray dadka Soomaaliyeed iney ka shaqeeyaan midnimada lagana gudbo kala qoqobnaanta dalka.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here