Dhageyso: Proff.Jawaari Oo Sheegay In iskaashi Dhex-mara Soomaaliya iyo Ethiopia Wax Ka Tareyso Amniga Gobolka

0
412

Muqdisho(INO)-Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Max’ed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay inay karti iyo wax qabad ay leeyihiin dhalinyarada Soomaaliyeed hadii la helan nabad ka xasisha gayiga Soomaaliya ay qaban karaan wax badan oo hormar ah. 

Jawaari

Wuxuu sheegay Proff.Jawaari in ilaa iyo hada aan la aqoon waxa la isku diririyo,isagoona cadeeyay in hadii iskaashi buuxa uu dhexmaro Dowladaha Soomaaliya iyo Ethiopia wax badan ay ka badali karaan amniga gobolka.

Jawaari ayaa tilmaamay in iskaashiga Soomaaliya iyo Ethiopia horseedi karo in nabad iyo xasilooni laga dareemo guud ahaan gobolka,wuxuuna carabka ku adkeeyay in fadhi aysan waxba ku imaaneyn loona baahan yahay dadaal fara badan oo la bixiyo.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Hadalkaan ka jeediyay xaflad ka dhacday Muqdisho oo lagu xusayay 24-sano guuradii ka soo wareegatay markii xilka laga riday Magiste Hailamariam oo ka talinayay dalka Ethiopia,kaasi oo shacabka Ethiopia ay u arkeen inuu ahaa Kaligii Taliye.

Hlakan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here