Muqdisho(INO)-Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa sheegay in xilligaan aan la joogin meel ay ku kala go’do Soomaaliya, waxaana sidoo kale uu ka hadlay aragtidiisa ku aadan shirkii dhawaan Jabuuti ay ku yeesheen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo hogaamiyaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.
Ugu horeyn waxa uu tilmaamay in heshiiskii Jabuuti ka dhacay 21-kii bishaan uu yahay mid loo baahnaa, islamarkaana qodobada kasoo baxay ay horseed u noqon karaan in dib loo helo Soomaalida oo mid ah.
Buubaa ayaa meesha ka saaray in xilligaan ay suurta gasho Somaliland in ay Soomaaliya inteeda kale ka go’do, waxaana uu tilmaamay in kulamada soo aadan laga yaabo in lagu xaliyo waxyaabaha la kala tabanaayo.
Halkan Ka Dhageyso Codka Buubaa.
Idale News Online, Muqdisho