Muqdisho(INO)-Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan (Jawaari) ayaa waxa uu ka hadlay Shaqooyin badan oo horyaalla Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.
Waxa uu ku baaqay in shaqada hortaalla ay aad ubadan tahay oo Afar Qodob oo Muhiim ah ka kooban yihiin sida Codka kalsoonida loo qaadayo Xukuumada lasoo dhisi doono,dhameystirka Hindise sharciyeedka gudiga madaxa banaan ee Doorashooyinka,Akhrinta labaad in la galo Maxkamada Dastuurka iyo Qodob kale.
Halkan Ka Dhageyso.
Afhayeenka Baarlamaanka Mudane Jawaari waxa uu ugu baaqay Gudiyada joogtada Baarlamaanka inay shiraan maalin walbo islamarkaana ay kusoo gudbiyaan waxii uqabsoomay inta bishaan socoto dhamaanin.
Dadka qaarkood ayaa aaminsan in Baarlamaanka Soomaaliya uu yahay furihiisa koowaad ee shaqada qaadashada Lacagaha Laaluushka ah iyadoona mooshino is daba joog ah mar kasta la keeno Baarlamaanka.
Idale News Online, Muqdisho.