Muqdisho(INO)- Kadib markii lagu dhawaqay Shalay Talaadadii Liiska Magacyada Gudiga qaban qaabin doona Doorashada Madaxweynaha ayaa waxa soo baxaya warar kale oo la ogaan ka hor shalay.
Murashaxiin Todobaadkaan Bartamihiisii la kulmay Jawaari ayaa waxay soo jeediyeen in Amniga Dalka la wareego isaga xilliga doorashada taasi oo la micno aheyd in Xasan Sheekh Xukunka laga xayuubiyo.
Hadaba waxa Murashaxiinta soo jeedintooda oo ay ku jirtay in deg deg loo soo magacaabo Gudiga Diyaarinaya Doorashada islamarkaana ay hadda umuuqato in Jawaari uu Aqbalay.
Murashax Madaxweyne Maxamed Cali Nuur ayaa waxa uu soo dhaweeyey Tallaabada Jawaari uu qaaday ee Codsigoodii qeyb ka mid ah uu aqbalay.
Hadda waxay umuuqataa in Xasan Sheekh Maxamuud Awoodii Xukunka Dalka uu waayey kuna wareegay Jawaari inta laga soo dooranayo Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya.
HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA MURASHAX MAXAMED CALI NUUR.