Dhageyso: NUSOJ oo baaq u dirtay dowladda Soomaaliya

0
176

Muqdisho(INO)- Waxaa shalay gelinkii dambe Degmada yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho lagu dilay Wariye ka tirsanaa Idaacadda Shabeelle.

Wariyaha la dilay ayaa lagu magacaabi jiray C/casiis Maxamed Cali Xaaji waxaana uu ka tirsanaa Shaqaalaha Idaacadda Shabeelle.

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in ay Dilkiisa ka dambeeyeen Wariyaha, waxaana markii ay Dilka fuliyeen kadib ka baxsadeen goobta uu Dilka ka dhacay.

Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed Maxamed Ibraahim Macalimuu oo la hadla idaacadda Risaala ayaa sheegay in ay xun yihiin dilka loo geystay Wariye Xaaji.

Xoghayaha guud ayaa sidoo kale dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay gacanta kusoo dhigto kooxihii ka dambeeyay dilka Wariyaha.

Halkan Ka Dhageyso