Dhageyso: Nolosha Xildhibaanadii Xilka ka qaaday C/Kariim Guuleed oo Halis ku jirta

0
208

Muqdisho(INO)- Warar si deg deg ah goordhow inooga soo gaaray magaalada Cadaado ayaa sheegaya in Xildhibaanadii xilka ka qaaday Madaxweynaha Galmudug Cabdi Kariim Xuseen Guuleed ay aad uga cabsi qabaan in la dilo.

Xildhibaanada Galmudug ayaa sheegay in Cabdi Kariim Xuseen Guuleed oo tageero ka helaya dowlada dhexe uu diyaariyay ciidamo gaar ah kuwaas oo dilalkooda loo baneeyay, waa sida hadalka u dhigay e.

Cabsida Xildhibaanada ayaa kusoo aadaya xili ciidamo badan oo aanan horey loo arki jiray ay soo galeen gudaha magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Galmudug State.

 Halkan Ka Daawo VIDEO