Dhageyso: Nin Lahaa Geel Fara badan Oo Abaartu Dhaafisay Oo Is Diley

0
180

Bacaadweyne(INO)- Qof ka mid ah dadka xoolo dhaqatada ah oo ku noolaa Degaanka Bacad-weyn ee Gobolka Mudug ayaa la sheegay in uu isku dilay halkaasi, kadib markii xoolihii uu lahaa ay  ka laysay Abaarta.

Ninka is dilay ayaa lagu magacaabi jiray Faarax Dheere, waxaana uu lahaa Geel fara badan oo markii dambe ay Abaarta ka leysay, taasina ay sababtay in dunida uu macsalaameeyo.

Guddoomiyaha Degaanka Bacad-weyn ee Gobolka Mudug Fu’aad Yaasiin ayaa sheegay ninkan is dilay in uu ahaa reer guuraa markiisa hore ka yimid Gobolka Nugaal.

Abaaro aad u daran oo saameeyay dadka iyo duunyada ayaa ka jira Gobolada Dalka, waxaana soo badanaya dhacdooyinka nuucaan oo kale ah, maadaama Abaartu ay tahay mid marba marka ka dambeysa sii fideysa.

Halkan Ka Dhageyso