Muqdisho ( INO)- Maxamed Aada Koofi oo loo Magacaabay Taliyaha socdaalka iyo Jinsiyadaha Waa Nin dhalinyaro oo leh wax yar oo aqoon ah waxa uu Macallin ka noqday Xarumo waxbrasho oo ku yaalla Muqdisho Sida Dugsiga Hoose dhexe iyo Sare ee Imaam Shaafici oo uu ka dhigi jiray Luqadda English Sanadkii 2007.
Sanadkaas 2007-dii ayuu ku biiray Midowgii Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed oo uu Si hoose ula shaqeynayay Xoogagoodii Muqaawada ee dagaalka kula jiray Ciidamadii Ethiopia iyo Dowladdii KMG.
Wuxuu mat Afhayeen ka noqday Midowgii Maxkamadaha ee ka Madax banaanaa kuwii uu hoggaaminayay Cabdiqaadir Cali Cumar oo taabacsanaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Wuxuuna ka qeyb qaatay dagaallo dhimasho , dhaawac iyo barakac xoogan geystay qaarkood lagu qaaday Madaxtooyada Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM.
Warbaahinta waxaa ka hadli jiray koofi oo xilligaas sheeganayay Maxkamadaha ka Madax banaan kuwa uu majraha u hayay Sheekh Cabdiqaadir Cali Cumar.
Maxkamadahaaas waxaa hormuud u ahaa Sarkaal lagu Magacaabo Qoslaaye oo hadda ka tirsan Xarakada Al Shabaab.
Kadib Munaasabad ka dhacday degmada Dayniile ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa shir Jar’id si wada jir ah Warbaahinta ugu qabtay Maxamed Aadan Koofi iyo Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur taas oo ay ku Midoobayeen.
Koofi ayaana markaas sitay Qori AK47 ah waxaana dhinac ka fadhiyay Sheekh Abuu Mansuur iyagoona ay gadaal ka taagnaayeen Dagaalamayaal Hubeysan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab.
Wuxuuna sheegay in uu Ururkoodii ee Maxkamadaha kana Madaxbanaana Midowgii Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed ay ku biireen Al Shabaab , maamul ahaan , dhaqaalo iyo Ciidan ahaanba islamarkaana wixii ka dambeeyay xilligaas uusan wax xil ka heynin Al Shabaab laakiin uu yahay kaliya Sarkaal sare oo ka tirsan Al Shabaab sida uu yiri.
Maxamed Aadan Koofi waa Nin degan oo aan hadal badneen dadka wax ka yaqanno waxa ay sheegaan in uu isku dayo in uu curiyo Suugaan ka hadleysa dagaalada ,
Xilligii Maxkamadaha iyo Al Shabaab uu ka tirsanaa waxaa loogu yeeri jiray Sheekh Maxamed Aadan Koofi.
Koofi ayaa isaga oo aan shaacin in uu ka baxay Xarakada Al Shabaab ayuu ku biiray 2010-kii dowladda Madaxweyne Sheekh Shariif kana mid noqday Saraakiisha Ilaalada Madaxtooyada
Waxaana markaas kadib uu Tababarro Ciidan u aaday dalalka Sudan iyo Uganda, kadibna waxaa loo Magacaabay Taliyihii Nabad Sugida Gobolka Banaadir.
Wuxuu noqday Taliyaha Nabad Sugida ee Gobolka Banaadir , waxaana intii uu xilkaas hayay masuul ka ahaa tacadiyo ka dhacay Xabsiga Nabad Sugida ee Godka Jilacow oo jir dillo kala duwan ay ugu geysteen isaga iyo Ciidamo ka amar qaata.
Hoos riix si aad u dhageysato
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay