Muxiyadiin Xasan Afrax oo sheegta inuu yahay Madaxweyne ku xigeenka maamul la magac baxay Shabeelle State oo ka hadlay dagaalada ka dhacay gobolka Shaleeaha Hoose iyo qabsashada kooxda ka mid ah kooxaha ay dirirtu u dhaxeyso, ayaa sheegay in dagaalka ka dhacey degmada Marka iyo guud ahaan gobolka Shabeelaha Hoose uu u dhaxeeyo kooxo xiriir la leh Alshabaab iyo dadkii deegaanka lahaa waa sida uu hadalka u dhigaye.
[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2014/06/Afrah.mp3|autostart=yes]Muxuyaddiin Xasan Afrax, oo kasoo jeeda beesha Mudullood, ayaa shaaca ka qaaday in Marka ay qabsadeen dadkii deegaanka, oo kacdoon sameeyey markii ay u adkeysan waayeen dhibka ay ka kulmayaan maleeshiyada xiriirka la leh Al-Shabaab.
“Marka waxaa qabsaday beeraleydii iyo shacabka deegaanka ee dhibka lagu hayey, in badan ayaan ka dignay dadka halkaas dhibka ka wada, balse waa nala maqli waayey” ayuu yiri.
Muxiyaddiin Xasan Afrax, ayaa sheegay in guddoomiyihii Marka laga ceyriyey uu korka ka ahaa guddoomiye, balse si hoose uu uga tirsanaa maleeshiyada argagixisada ah ee Al-Shabaab.
“Qofk waa lagu qaldami karaa, ama isaga oo wax wanaagsan lagu ogaa ayuu is-beddeli karaa, marka guddoomiyaha Marka dowladda waa ku qaldantay, laakiin dib ma lahan hadda waa la ogaadaay xilkana waa laga qaadayaa” ayuu yiri.
Waxa uu sheegay in Marka ay iminka gacanta ugu jirto dadkii lahaa, dhibkii maleeshiyada Al-Shabaab xiriirka la lehna laga raysa doono.
Idale News ONline