Dhageyso: Mustafe Mukhtar Guudow ” Waan In Shariif Xasan Iska Qabanaa Oo Maxkamad La Soo Tagaa”

0
231

Baydhabo(INO)- Ex. Xildhibaan Mustafe Mukhtaar Guudow oo Khubad ka Jeedinayey Shirka Mustaqabalka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee Muqdisho ayaa sheegey in aysan Suurgal ahayn in Musharax Shariif Xasan Sheekh Aaden Uu sii ahaado Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya maadama uu yahay Musharax Madaxweyne Ee 2016 Somalia taasoo uu ku tilmaamey Kutumusho Nidaamka iyo dasctuurka Koonfur Galbeed iyo arimo kale.

“Suuritagal  ma ahan, Baydhabo anigaa ayaa ii Xanibnaaneysaa,  wax lagama sameyn karo. Aniguna soomaaliye weyn ayaan wax ka weydiisanayaa, Shariif Xasan qaladkii ugu horeeyey uu galey waxa uu ahaa ; Dowladii C/laahi Yuusuf oo la soo hadhisey Baydhabo la keenay oona Baydhabo looga soo daneeyey horumarkeeda, waxa uu ahaa qofkii qiibiyey oo Asmara geeyey ayuu ahaa, Qofkan Masiirka Degaanadan kama naxo.” ayuu yiri Mustafe Mukhtaar Guudow.

Dhinac kale Ex. Xildhibaan Mustafe Mukhtaar Guudow ayaa Baaq u direy Xildhibaanada Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la dhaliiley shaaqadooda iyo dardar galinta la’aan Howlaha Baarlamanka, inay ku fekiraan Sidii ay ugu hadli lahaayeen Qadiyada iyo badbaada Bulshada KGS ayna ka fogaadaan lasafashada ragga wax dhiiba.

” Shariif Xasan Hadii uu  hada ka tanaasulo Musharaxnimada inuu Ku  laabto Jagada Madaxweyninimada KGS Xaq uma lahan, sababta oo ah wuu ka tagey Bulshadiisa oo dayacan, Madaxweyne ku xigeenadiisa 1 iyo 2 kuma uusan dhaafin, horeyna ma oosan sameeynin” ayuu mar kale yiri Mustafe.

” Waxa ila hadley qof deeq Bixiyaasha Caalamiga Ka tirsan wuxu igu yiri ‘ yaa wax siinaa Madaxweynihiiba orod ayaa ku jiraa xilli weliba, madaxweyne ku xigeen aan la soo xariirno ma haayno’  umadyahay rag aqoonyahano ah ayaan nahay oo waxbarteen oo badan qofkan aan iska qabano, hadii dadka laga qabto waa in xitaa Maxkamada la soo taagaa” ayuu hadalkiisa sii raacey Ex. Xildhibaan Mustafe.

Si kastaba ha ahaatee, Ex. Xildhibaan Mustafe Mukhtaar Guudow ayaa waxa ka mid ahaa Saraakiishii Jabahadii RRA Ee la dumiyey isla markaaana ka dagaalami jirtey Koonfurta Soomaaliya Xilligii Colaadii Sokeeeye Ee Soomaaliya 1995 – 2002.

Ugu dambeyntii waxa Isa soo taraya Siyaasiin Mucaarad ku ah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya kuwaasoo didan Siyaasada Madaxweyne Shariif Xasan, isagoona lagu eedayey waxqabad la’aan iyo  dantiis raadsho.

Halkan Ka Dhageyso Codka

Idale News Online, Baydhabo