Muqdisho(INO)- Madaxweynaha Jamhuuriayada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay in ay jiraan eedeynta loo jeedinayo Dowladiisa iyo in uu wax ka ogyahay dhulal danguud ah in lagu wareejiyay Hay’ado gaar ah.
Waxa uu sheegay Madaxtooyada in aysan waxba ka quseyn dhulalka bixintooda iyo waliba dabagalkooda, hase ahaatee waxa uu sheegay arrintaasi in ay u xilsaareen Dowladda Hoose ee Xamar, maadaama marar badan Dacwadda dhulalka ay in badan ku soo laa laabatay.
Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriayada Federaalka Soomaaliya ayaa sheeagay in ay jiraan Guddiyo heer wasiir ah oo loo saaray in ay soo xaqiijiyaan wararka sheegaya in la bixiyay dhulal danguud ah.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in uusan ka war qabin dhul sifo sharci daro ah lagu bixiyay oo ay ogtahay Dowladda Dhexe.