Dhageyso: Musharax Shariif Xasan oo Fariin Lama Filaan Gaarsiiyay Villa Somalia

0
184

Baydhabo(INO)- Madaxweynaha maamul goboleedka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa ka codsaday madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inuu dalacsiiyo saraakiisha ciidamada Koofur Galbeed.

Shariif Xasan, wuxuu sheegay inuu ka codsanayo madaxweynaha dowladda inuu dalacsiin iyo darajooyin isugu daro saraakiisha ciidamada  koofur Galbeed ee Alshabaab kula dagaalamay deegaanada maamulkaasi ka taliyo.

Ciidamada Koofur Galbeed ayuu ku amaanay Shariif Xasan dadaalka ay u galeen sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaanada gobolada Bay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Si gaar ah wuxuu madaxweynaha Soomaaliya kaga codsaday inuu darajo siiyo ciidamadii ka shaqeeyay amniga doorashooyinkii ka dhacay magaalada Baydhabo ee gobolka Bay.

“Waxaan rajeynayaa dowlada Soomaaliyeed oo uu madaxweynaha ugu horeeyo inuu dalacsiiyo ciidamada koofur Galbeed ee cadowga la dagaalamay, waxaan ka codsaneynaa inuu dalacsiiyo ciidamada sida gaar ah kaga shaqeeyay amniga doorashooyinka”ayuu yiri Shariif Xasan.

Dhinaca kale wuxuu amaanay ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Baydhabo kuwaasi oo dhankooda door ka qaatay amaanka goobaha doorashooyinka ka dhacayeen.

Halkan Ka Dhageyso