Muqdisho(INO)- Gudoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa iska fogeeyay in ay wataan Qaar ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in uusan cidna wadan , islamarkaana aysan jirin cid asaga wata.
Gudoomiye Jawaari ayaa xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ka codsaday in ay siiyaan codka. Waxaa uu sheegay in aysan jirin cid daba ka waddo , laakiin uu yahay Musharax Madaxbanaan.
Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa ahaa Gudoomiyihii Baarlamaankii Waqtigiiso dhamaaday.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Muqdisho