Dhageyso: Musharax C/qaadir Xuseen Oo Gudiga Doorashada KGS Oo Ku Eedayey Musuq Maasuq iyo Wax Isdaba Marin

0
183

Baydhabo(INO)– Iyadoona Shaley Dhacdey Doorashada 2 Kursi Ee Aqalka Hoose Ee Beesha JIROON  isla markaana ay ku tartamayeen  Mushariixiinta Kala ah; C/qaadir Xuseen Xasan, Axmed Xaaji Maxamed (Taaw), iyo Ugaas Isaaq Cali ayaa doorashadaas waxa lagu tilmaamey mid hareeysey Musuq Maasuq iyo wax isdaba marin.

Musharax C/qaadir Xuseen Xasan Oo Wareysi Siyey IdaleNews.com ayaa sheegey in si cadaalad daro ah codkiis loo musuq maasuqay looguna shubay shakhsi uu sheegey in aan bulshada cod fiican ka heysanin waa sida  hadalka u dhigey e.

Waxa uu si weyn ugu Eedayey Guddiga Doorashada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed (GDGHDD) in si cad oo aan leex leexad laheyn u musuq maasuqeen waraaaqaha cod bixinta ayagoo dadka aan waxba qorikarin u Jaheeyay musharaxa ay la rabeen inuu cod helo ayagoo uu tilmaamey khiyaameynayay rabitaanka Doortaha kana faa’ideysanaya nug laantiisa.

“ Waxaa la ii diidey in wakil uu ii tiriyo waraaqaha lagu codeeyay si uu u hubiyo sugnaashaha waraaqaha lagu codbixiyey “ ayuu yiri Musharax C/qaadir Xuseen.

“Waxaa kaloo la isku dayay in qaar ka mid ah ergada oo codeyn lahaa la dhaho liiska kuma jirtaan si buuq meesha looga dhaliyo san duuqa codkana la musuq maasuqo” ayuu Mar kale yiri Murshaxa.

“Waxaan cadeynayaa in Maamulka Koonfur Galbeed uu noqday meel xuquuqda dadka loogu tunto , Maamulka ayaa sameysta waxa uu rabo wax sharciyad ah na meesha ka jirto” ayuu  Mar kale hadalkiis raaciyey.

Si kastaba ha ahaatee, hadalkan Musharax C/qaadir Xuseen Xasan ayaa imaanaya xilli Maanta  Beesha caalamka War-saxaafadeed ay Wadajir u soo saareen , ayaa waxay Walaac xooggan kaga muujiyeen ku-takri-fal, cadaalad-darro iyo caga-jugleyn ay sheegeen inay ka dhex-jirto doorashooyinka socda.

Ugu dambeyntii, Waxa uu Beesha Caalamka, IGAD, UN-ka, Guddiga Federalka Hirgalinta Doorashada Dadban( GDGHDD), iyo Maxkada Sare e dalka ugu baaqey in wax ka qabtaan Cadaalad daroda Doorashda KGS ka taagan.

Halkan Ka Dhageyso Wareysiga

Idale News Online, Baydhabo.