Baydhabo(INO)-Xildhibaan Axmed Maxamed Xaaji Taaw oo ka mida Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya kanasoo jeeda Deegaanada Dowladda KoonfurGalbeed Soomaaliya oo la hadlay wabaahinta Gudaha Dalka ayaa Waxaa uu sheegay in hadda qorshaha ay kusocoto soo xulista Baarlamaanka KoonfurGalbeed soomaaliya ay tahay sidii loo baahnaa.
Odayaasha dhaqanka ee soo xulayo ayuu ugu baaqay inay soo dadajiyaan soo xulista Xubnaha Baarlamaanka ee maamulkaasi.
Xildhibaan Taaw ayaa intaa ku daray in Baarlamaanka loo dhisayo Dowladda koonfurgalbeed uusan noqondoonin sida kii maamulka jubba oo uu kala diray Baarlamaanka Soomaaliya.
Ugu dambeyntii, waxaana uu sheegay in baarlamankan ay howshiisa iyo dhismihiisa wax ka ogyihiin Madaxda Sare ee dalka iyo xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya isagoona rajo wanaagsan ka muujiyey in ay meel mariyaan Baarlamaanka Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com