Dhageyso: Mudanayaasha BKGS Oo Ku Kala Aragti Kuwan Mooshinka Laga Keeney Madaxweyne Shariif

0
218

Baydhabo(INO)- Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlada Koonfur Galbeed, ayaa ku kala aragti duwan Mooshin la sheegay in laga diyaarinaayo Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.

baarlamaanka-KG

Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo tiradooda ku shegay 70 Xildhibaan ayaa sheegay inay diyaarinayaan Mooshinka ka dhanka ah Shariif Xasan, kadib markii Shaqada Maamulka uu kaligiis isku koobay.

Axmed Macalin Cumar “Nadiir” oo ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa sheegay Mooshinkaasi inaan loo baahneyn Xilligan.

Xildhibaaan Nadiir ayaa ku difaacaya Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya xilligaan inaysan habooneyn Mooshin oo lagu deg degay.

Waxa uu sheegay in Guddoonka Baarlamaanka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya dhawaan la caleemo saaray, welina Baarlamaanka Koonfur Galbeed uusan yeelan Kulankii ugu horeeyay.

Ugu dambeyntii, Madaxtooyada Koonfur Galbed ilaa hada kama aysan jawaabin Mooshinkaan la sheegay in laga diyaarinaayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso Warbixinta

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here