Muqdisho(INO)- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed( Farmaajo) ayaa sheegay in Sanadkaan la kordhin doono Miisaaniyadda dowladda Marka la eego Balanqaadyada ay haysato dowladda Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay haysato Balanqaadyo ka badan kuwii ay heli jireen dowladihii dalka Soo maray , islamarkaana ay sanadkaan ay kordhin doonaan miisaaniyadda dowladda .
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaali doonto sidii loo daryeeli lahaa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo sidoo kale xildhibaanaada Qaranka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay si joogta ah ay u bixin doonto Mushaaraadka ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagan dowladda Soomaaliya si loo gaaro guulaha ay hiigsanayaan.