Afgooye(INO)- Madaxda Maxkamada Sare ee Dowlada Koofur galbeed Soomaaliya aya waxa ay sheegday in mudo 10 Maalmood ah lagu soo dhameystirayo Xarumaha garsoorka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Gudoomiyaha Maxkamada Sare Ee Koofur Galbeed Soomaaliya Sheekh Axmed C/laahi Fanax ayaa sheegay in Koofur Galbeed muddo 10 maalmood lagu soo dhameystirayo xarumaha garsoorka ee Koofur Galbeed Soomaaliya.
Madaxweyne Sheekh Axmed C/laahi Fanax ayaa sheegay in ay dhawaan maxkamado ay ka hirgaliyeen gobolka Shabeelaha Hoose ,islamarkaana maalmaha soo socda maxkamad laga hirgelin doono degmooyinka kale ee Koofur Galbeed Soomaaliya.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Baydhabo