Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Dowlada Soomaaliya ayaa Maanta u fariisatay Dacwad Ciqaabeedka Askari ka tirsan Cidamada Dowlada Gaar ahaan Kuwa ka Shaqeeya Saldhiga Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
Halkan Ka Dhageyso:
Dable Cali Muuse Cali oo ah Eedeysanaha Maanta Maxkamada la horkeenay ayaa Qirtay Dambigii lagu soo Eedeeyay ee ahaa inuu dhac u geystay Mid ka mid ah Haweenka ku ganacsada Suuqa Degmada Wadajir.
Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Dowlada Soomaaliya Liibaan Cali Yaroow ayaa ku dhawaaqay Xukunka Maxkamada oo ahaa Labo Sano oo Xabsi Ciidan ah.
Maamulka Cusub ee Degmada Wadajir oo Kaashanaya Maxkamada Ciidamada Qalabka Sida ee Dowlada Soomaaliya ayaa horay u balan qaaday iney Waajibkiisa marsiin doonaan Askarigii dhac u geysta Hantida Shacabka Soomaaliyeed ama dil ka geysta Gudaha Degmada Wadajir.
Idale News Online, Muqdisho.