Dhageyso: Maxkamada ciidamada oo xukun dil ah ku riday Askari qof shacab ah Ku Diley Degmada Buurhakaba

0
185

Baydhabo(INO)- Maxkamada ciidamada Qalabka sida Qaybta Lixdanaad ee Gobolka Bay, ayaa saaka xukun dil ah waxa ay ku riday Askari ka tirsanaa ciidamada Xooga dalka Somaliya ee Gobolka Bay, kaasi oo horay u dilay ruux shacab ah.

Halkan Ka Dhageyso

Askarigaan ayaa waxaa ku cadaatay fal dambiyeedka dilka ah uu geystay, sida Saraakiisha maxkamada ay ka sheegeen Magaalada Baydhabo oo saaka xukunka lagula riday Askarigaasi.

Askariga la xukumay ayaa lagu waxaa lagu magacaabaa Ibraahin Cabdullaahi Aadan waxa uuna 24/04/2016 si bareer ah u dilay nin shacab ah oo lagu magacaabo Nuur Muqtaar Xussen xilli uu ku sugnaa degmada Buurhakabo ee gobolka Bay.

 Saraakiisha maxkamada ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay Askari kasta oo ka tirsan ciidanka Xooga dalka Somaliya oo geysta fal dambiyeed dil ah inaysan maxkamada cafin doonin, hadii cadeymo rasmi ah loo helo.

Ehelada marxuumka horay uu u dilay Askarigaasi ayaa soo dhaweeyay xukunka dilka ah ee lagu riday Askarigaasi ka tirsan ciidamada Xooga dalka Somaliya.

Ciidamada qaar ee Dowladda ka tirsan ayaa hubka ay wataan waxa ay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah masuuliyada ay ka saaran tahay inuu Askariga ilaaliyo amnigooda.

Maxkamada ciidamada Qalabka sida ee Gobolka Bay, ayaa muddooyinkii dambe xukuno kala duwan ku rideysay Askar ka tirsan ciidamada Dowladda.