Dhageyso: Maxamuud Sayid Aadan “Annaga waxaa nasoo dirsaday dadka Gedo dagan, waa been hadii la yiri iskood ayay meesha u tageen”

0
167
[audio:http://kismaayo24.net/wp-content/uploads/2013/12/Maxamuud-Sayid-Aadan-21-12-201.mp3|autostart=yes]

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay waxaa dhawaan gaaray wafdi uu hogaminayo Maxamuud Sayid Aadan oo ka soo kicitimay gobolka Gedo, waxaana wafdigaasi la sheegay inay ka qayb galayaan shirka maamul u samaynta lixda gobol ee Koonfur galbeed Soomaaliya kaasoo gogoshiisu ay taalo magaalada Baydhabo.

Siyaasiga Maxamuud Sayid Aadan oo ka mid ah masuuliyiinta gobolka Gedo ku sugnaa in muddo ah isla markaasna hogaaminayay wafdiga Baydhabo gaaray ayaa waraysi gaar ah oo siiyay idaacada maxaliga ee dalka, wuxuu uga warbixiyay socdaalkooda isagoona xusay degmada Baydhabo in si diiran loogu soo dhaweeyay isla markaana wafdigoodii ay qayb ka noqdeen qorshaha maamul u samaynta deeganadaasi.

Wuxuu sheegay Mr Sayid deeganada lixda gobol ee Maamulka loo samaynayo inay yihiin kuwa ay daganyihiin dad isku xiran isla markaana aan labo qaybood loo kala jari karin.

sayidAadan

Idale News Online