Muqdisho(INO) Gudoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa ku dhaliilay dowladda federaalka Soomaaliya iney ka gaabisay wax u qabashada dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dalka Yaman oo ay ka taagan yihiin colaado Sokeeye.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Yaman iney soo wajahday xaalad adag isla markaane ay suurtagal tahay iney dhibaatooyin kala kulmaan Xuutiyiinta shiicada maadaama ay dowladda Soomaaliya taageertay gulufka ka dhanka ah Shiicada Yaman.
Halkan Ka Dhageyso.
Tarsan ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya looga baahnaa iney wadamo kale sida Sucuudiga la kaashato sidii dadka Soomaaliyeed looga samata bixin lahaa dhibaatada Yaman,wuxuuna ku celceliyey in dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Yaman iney qatar ku jirto noloshoodu.
Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay iney qaado tallaabo wax loogu qabanayo Soomaalida Yaman ku dhibaataysan,wuxuuna shaaca ka qaaday inaan lagu andacoon karin ineysan dowladdu hayn dhaqaale,wuxuuna daboolka ka qaaday in dowladda laga doonayo iney la timaado qorshe hogaamineed oo dadka Soomaaliyeed looga badbaadin karo marxaladda adag ee ku haysta dalka Yaman.
Idale News Online, Muqdisho.