Dhageyso: Malaaq Shiino oo si kulul uga hadlay shirka ceelbarde iyo xildhibaanada ku sugan gobolka Bakool

0
206

Baidoa (INO) – Malaaq Shiino ka mid ah odayaasha dhaqanka ee maamulka Koonfur Galbeed Somalia ayaa wareysi uu siiyey mid ka mid ah saxaafada gudaha dalka ku sheegay in aan cidna lagu dulmin dhismaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia, xildhibaanada dowlada federaalka ee haatan ku shirsan degmada Ceelbarde ay yihiin kuwa doonaaya in ay khalalaase aan jirin abuuraan.

Shiino ayaa sheegay in 5ta beelood ee Soomaaliyeed xaquudii ay ku lahaayeen ka badan ka heleen maamulka Koonfur Galbeed, laakiin cidna aan laga yeelin doonin in tooda loo yeelo, waxuuna ku tilmaamey xildhibaanadaas kuwa ka yimid magaalada Muqdisho, Jubaland iyo Kilinka Soomaaliyeed oo doonaaya in abaabul iyo kicin gobolka ka abuuraan.

Dhageyso Malaaqa Shiino oo arrimahaan iyo kuwa kale ka hadlaaya

Idale News Online, Baidoa

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here