Dhageyso Malaaq Shiino Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa ka Awood & shacabka badan maamulka Jubba ee Degmada Kismaayo kaliya ka jira

0
192

Malaaq Cali C/raxmaan Shiino ayaa sheegay in dhawaan ay soo dhisi doonaan maamulka K/Galbeed, haatanna ay maraayaan meel wanaagsan oo maalinta sabtida ee bishu November tahay 9ka uu shirkooda furmi doono. Waxuu Sheegay in ergadii shirka lagu casumey ee beelaha Soomaaliyeed ee koonfur galbeed degan ay dhamaantood soo xaadireen marka laga reebo hal beel oo iyadu soo xirxiratey maalmaha naga soo aadanna soo gaari doona magaalada Baydhabo oo uu shirka ka furmi doono.

Mar la weydiiyey Malaaq Shiino waxa ay dowlada ka og tahay dhismaha maamulka Koonfur Galbeed Somalia ayuu sheegay in dowladu ka warqabto shirka Baydhabo, in ka badan 60 xubnood oo isugu jira wasiiro iyo xildhibaano oo uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Barlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo xiligaas ahaa ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shir 5 cisho socdey si wadajir ah la isula qaateen in waxii ka soo baxay shirkii Addis Ababa ee dowlada iyo Maamulka Jubba waxba kama jiraan yahay.

Wuxuu sheegay in maamulka K/Galbeed uu yahay mid Lix gobal maamuli doona, kana awood badnaan doono midka Jubba ee uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe.

Dhageyso Malaaq Shiino oo arrimaha shirka Baydhabo ka hadlaayo [audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2013/11/malaaqshiinoNov8_2013.mp3]

Dhanka kale waxa uu sheegay Malaaqa in maamulkaan taageero xoogan uu ka helaayo dowladda Federaalka ee Soomaaliya, sidaana ay ku dhisaayaan waa sida uu hadalka u dhigaaye.

jawaariBay9

Idale News Online