Muqdisho(INO)- Nabadoonkan oo lagu magacaabi jiray Malaaq Maxamed Cali Xuseen, ayaa waxaa xalay lagu dilay dhabarka dambe ee Saldhiga Booliska Degmada Dharkiinley ee Galbeedka Magaalada Muqdisho.
Laba nin oo bistoolado ku hubeysnaa, ayaa waxay Malaaq Maxamed Cali Xuseen (Maamiyow) ku weerartay dhabarka dambe ee Saldhiga Dharkiinley, wax yar ka dib markii uu Salaadda Cishaha ku soo tukaday masaajid halkaasi ku yaala.
Raggan, ayaa dhawr xabadood huwiyay ninkaasi odayga ah, iyagoona rasaasta kaga dhuftay qaybaha kore ee jirkiisa. Marxuumka ayaa u geeriyooday dhaawacyo halis ah oo rasaastaasi ka soo gaaray.
Dembiile-yaasha, ayaa durbaba ka baxsaday goobtaasi, waxaana sidii caadada ahaydba u suurta-gashay in ay ka baxsadaan gacanta sharciga.
Ciidamada Booliska iyo Nabad Suggida Degmada Dharkiinley oo dilka ka dib gaaray goobtii uu falka ka dhacay, ayaa ka sameeyay hawlgal la xiriira dembiile-yaasha, walow ay ku fashilmeen soo qabashadooda.
Goobjooge, ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay halkaasi ka sameeyeen hawlgal aan buurnayn, isla-markaana ay isaga taggeen, iyadoo aysan jirin cid ay dilka u soo xir xireen.
Malaaq Maxamed Cali Xuseen oo deegaan ahaan ka soo jeeda Koonfur Galbeed, ayaa muddooyinkii ugu dambeysay deganaa Dharkiinley, lamana garanayo ujeedada ka dambeysa dilkiisa.
Ma jirto cid illaa iyo hadda sheegatay masuuliyadda dilkan, balse dilalka ceynkani oo kala ah waxaa aalaaba lala xiriiriya mintidiinta Ururka Al Shabaab.
Halkan Ka Dhageyo Malaaq Deerow oo ka hadlaya Dilka Malaaq Maxamed Cali xuseen
Idale News Online, Muqdisho