Muqdisho(INO)- Ilaa labo(2) Malaaq oo ka mid ah malaaqyada koofur galbeed ayaa ku geeriyootey qarax maanta ka dhacay Hotel Dayax ee Magaalada Muqdisho.
Malaaqadyada geeriyootey waxaa ay kala ahaayeen Malaaq Malabow Malaaq Isaaq Keerow oo ah malaaqa Garwaale ,waxaa kaloo qaraxa ku geeriyoodey Malaaq Cabdiarshid Malaaq Cabdislaam oo isna ahaa Malaaqada Yantaar.
Labada malaaq ee geeriyootey mid hore waa malaaqa ugu magaca dheer malaaqyada Koofur galbeed halka midka dambe uu yahay guddoomiye ku-xigeenka malaaqayada koofur galbeed, meydkooda waxaa loo qaadey Baydhabo, waxaana lagu wadaa in halkaas lagu aaso.
Dhinaca kale, waxaa qaraxa ku dhaawacmey oo Isbitaal Madiina la dhigey ilaa sadex(3) malaaq oo kale kuwaas oo kala ah: Malaaq Sharif Muhyudin Sh. Aden oo ah malaaqa Asharaaf iyo Malaaq Xasan Buule Xuseen Malaaqa Jilible.
Inta la xaqiijiyay in ka badan 10 qof ayaa ku dhimatey halka 51 qof ku dhaawacmeen labo qarax iyo dagaal ay Al-shabaab ku qaadey Hotelka Dayax ee magaalada Muqdisho.
Waa markii labaad ee bishan gudaheed lagu weeraro hotel ku yaalo Muqdisho, 2-dii bishan waxaa sidoo kale labo qarax lala eegtey Hotel Peace halkaas oo khasaare badan ka dhalatey.