Baydhaba: Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay Waxa ka furmay Shir socon doono 4 cesho oo looga hadlayo siyaasada isbedeley Ee ka jira Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Shirka maanta ka furmay Magaalada Baydhabo Janay ayaa waxaa baaq adag loogu jeediyay dhamaan Xildhibaanada, Wasiirada, Malaaqyada iyo Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Koonfur Galbeed ee ku sugan Magaalada Muqdisho isla markaana Taagyeera Maamulka Lixda Gobol , inay si deg deg ah ay yimaadaan Magaalada Baydhabo Janaay.
sharkan maanta furmey oo ay yeesheen odaayasha dhaqanka iyo Siyaasitiinta kale Ee 6da Gobol waxaa lagu canbaareeyay qabsashada Magaalada Marka Ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose ee ay qabsatay Maamulka shabelle state, kuwaasoo isla durbadiiba ay magacaaween Golle Wasiiro iyo Godoomiyaha Degmada marka.
Shirka ayaa waxaa Baaq iyo Hanjabaado Kulul ka jeediyay Hogaamiyaha Tabarta daran Ee 6da Gobol Koonfur Galbeed Madoobe Nuunow iyo Gudoomiyaha Gollaha Guurtida Malaaq Xasan Shure.
Sikastaba ahaatee ,shirkan ayaa waxa uu imaanay xlli maamulka KG soomaaliya 3da Gobol soomaliya uu guulo dhanka diplomaasiyada ah ka soo hooyey oona dadaalo ugu jiraan, isu soo dhawaansho dhexmarta labada maamuulka, waxaa dhawaan la fialayaa inay midoobaan labadan garab, ka dib markii maanta wadatashyo u furmey Siyaasiyiinta KG soomaaliya Ee 6da gobol.
Ugu Dambeyntii, waxa kala duwan wax yaabaha ay isu sheegaayaan siyaasiyiitan Guud ee Ku Ficiltimayo KG soomaaliya ,iyo waxa ay dadka dhagahoodu lagu shubo, ayadoona ,dadkaasi laga yaabo inay firkir guud aaney ka haysan siyaasada iyo wax yaabaha kale Ee la qoys ah.
Halkan Ka Dhageyso Cododka Haanjbaada, aan Ficilka Lahayn Ee Madoobe Nuunow.
[audio:http://www.ishabaydhaba.com/wp-content/uploads/2014/06/madxweynaha-dowlad-goboledka-KG-madowe-nunow.mp3|autostart=yes].
Halkan Ka Dhageyso Codka Malaaq Xasan Shurre Maxamuud.
[audio:http://www.ishabaydhaba.com/wp-content/uploads/2014/06/xasn-shure-.mp3|autostart=yes]Idale News Online, Baydhabo.