Marko(INO)- Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay war kasoo saaray ma’suuliyiintii laga been Abuuray in ay masuq maasuqeen gargaarkii loogu talagalay dadka ay abaaraha asiibeen.
Madoobe Nuunow Maxamed oo kamid ah madaxda maamulkaas, isla markaana ah gudoomiyaha gudiga abaaraha deegaanada Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa xaqiijiyay.
Sidoo kale, Madoobe Nuunow ayaa sheegay in ay si habsami leh loo gaarsiyay dadka abaaraha saameeyeen Raashinka iyo dhamaan Shacabka ku nool Gobolka shabeelaha Hoose.