Dhageyso: Madaxweyne Xasan Sheekh: “Xabada Kismaayo ka socota ha la joojiyo, gogosha dowladu dhigteyna ha loo diyaargaroobo”

0
167

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Madaxtooyada ayaa mar kale ka hadlay xaalada magaalada Kismaayo, isagoo ku baaqay joojinta dagaalada iyo in nabada la qaato.
Dhageyso Fariinta Madaxweynaha Somalia ee ku aadan Kismaayo [audio:http://dhanaan.com/dhanaan/wp-content/uploads/2013/06/Xasan-Sheekh-Kismaayo.mp3]
“Waxaan ugu baaqayaa Odayaasha dhaqanka, aqoonyahanada, ururada bulshada iyo qeybaha kala duwan ee Kismaayo inay mas’uuliyad gaar ah iska saaraan joojinta dagaalada iyo collaadaha ka socda Kismaayo, Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Kismaayo ma aqbali karaan dagaalada oo sii socda oo shacabku wey ka daaleen dagaallo”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in tani ay fursad siineyso Shabaab, isla markaana loo baahan yahay in halka cadaw ee ay leeyihiin si wada jir ah uga soo horjeestaan, ayna u istaagaan midnimada iyo qaranimada dalka.

“Dagaalka shacabka dhexdiisa ah aad buu noo wiiqaa oo ay fursad ka dhigtaan Al-Shabaab, waa inaan wadajirkeenna iyo isku xirnaanteenna adkeynaa oo aan khilaafkeenna ku xallinaa si nabad, wadahadal iyo dib u heshiisiin”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda ay wado diyaarinta shirka dib u heshiisiinta ee dhowaan Muqdisho lagu qabanayo, isagoo xusay in dowladda ay fududeyn doonto shirkaas.

“Dowladdu waxey dhowana qaban doontaa shir dib u heshiisiineed oo loo qabanayo dadka deegaannada Jubbooyinka iyo Gedo iyadoo la tixgelin doono dhammaan aragtiyada kala duwan iyo qeybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed, waana inaan helnaa xal danta guud ah oo noo dhisa mustaqbal nabad ah”ayuu yiri Madaxweynaha.

Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay si is-daba joog uga hadlayay arrimaha Kismaayo, ka bilow Madaxweyne, Min Ra’iisul Wasaare ilaa Wasiir ay ka hadlayeen colaada Kismaayo, waxaana arrintan loo arkaa mid dowladdu si aan loo baahneyn u buun buunineyso xaalada Kismaayo oo ka dhigtay mid ku jirta xalka dalka.

Idale News Online