Dhageyso: Madaxweyne Xasan Sheekh oo soo jeediyay xalinta khilaafka Baarlamaanka

0
186

Muqdisho(INO)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, waxa uu usoo jeediyay in la xaliyo khilaafka ka dhex aloolsan mudanayaashaan ka dib mooshinkii laga keenay Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed.

Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay xildhibaanada aragti ahaan kasoo horjeeda mooshinkaan, waxaana uu u sheegay in aanay wanaagsaneen xilligaan Baarlamaanka in buuq hareeyo, sidoo kalena ay aragti ahaan kala duwanaadaan.

Halkan Ka Dhageyso

Xildhibaan Maxamed Cabdulaahi oo ka mid ah xubnihii la kulmay Madaxweynaha ayaa sheegay in ay aad usoo dhaweeyeen in la xaliyo waxa ka jira Baarlamaanka Soomaaliya, madaxweynahana uu muujiyay sida uu wax walba uga xunyahay.

xasan sheekh

Xidhibaanka ayaa sheegay in mudanayaasha diidan mooshinka ka dhanka
ah Ra’iisul wasaaraha ay magacaabeen gudi wada hadal gala, kuwaas oo la hadli doona gudi ay sidoo kale iska soo maga caabi doonaan xubnaha mooshinka wada.

Xildhibaanada Baarlamaanka dalka ayaa aragti ahaan ku kala qeybsan mooshin laga keenay Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh, kaa oo muddo Sedax maalin ah sababay in fadhigii Baarlamaanka buuq ku dhamaado.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here