Madaxweynaha Somaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa markii uu maanta dalka dib ugu soo laabtay waxa uu ka warbixiyey Safarkii uu ku tagey Magaalada New York ee Dalka Mareykanka halkaasi uu shirka Golaha Amaanka Q.M uu kaga soo qeyb galay.
Xasan Shiikh waxa uu sheegay in si weyn loogu amaanay dawladiisa sida ay wax weyn uga qabatay Dalka iyo hormarka ay ku tallaabsatay isagoo intaasi ku daray hadalkiisa inay dhiiri gelin ka heleen beesha caalamka.
Halkan Ka Dhageyso.
Madaxweynaha waxa uu sheegay in lagu amaanay doorka muuqda ee guusha ay ka gaareen Al Shabaabka Somaliya ka dagaalamay Caalamkuna uu ku sheegay mid guushu ay ugu dambeyn heli doonto Dawlada Somaliya.
Waxa uu Madaxweyne Xasan tibaaxay inay waxa ugu horeeya ay tahay in guulaha la gaaray ay qeyb ka tahay in Shabaab lagala wareegay meelo badan ay kusugnaayeen halka Caalamka ay isku sii fidinayaan Kooxaha la midka ah Al Shabaab ee Argagaxisada uu ku sheegay.
Xasan Shiikh Maxamuud waxa uu sidoo kale sheegay in guul uu kusoo dhamaaday Safarkii ay dalka Mareykanka ku tageen iyo Ka qeyb galkoodii Shirkii Golaha Amaanka ee Magaalada New York ka dhacay.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Dalka Mudane Xasan Shiikh Maxamuud waxa uu fariin udiray Shacabka Soomaaliyeed isagoo ku booriyey inay iska dhaafaan qabiilka taasi badalkeedana dagaalka ay kula jiraan Al Shabaab lagu gacansiiyo si dalka oo idil looga xoreeyo waa sida uu yiriye.
Idale News Online, Muqdisho.