Dhageyso: Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dagaal Beeladyada Ku Tilmaamey Kuwo Al-Shabab Lagu Taagyeerayo.

0
231

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaye Dagaal beeleedyada ka aloolsan qaar kamid ah Gobalada dalka Soomaaliya ayaa ku tilmaamay kuwa Al-Shabaab lagu taageerayo Dagaaladaasi.
Halkan Ka Dhageyso.

[audio:http://risaala.net/uploads/content/audio/20992.MP3|autostart=yes]

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dagaalada dhanka Qabiilka ah ee Gobalada qaar ka dhacay ay yihiin nooc cusub oo lagu taageerayo Xoogaga Al-Shabaab iyo nabad-diidka sida uu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Odayaasha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu Madaxweynaha Soomaaliya wuxuu ka dalbaday inay u istaagaan xalinta Dagaal beeleedyada ka taagan Gobalada dalka Soomaaliya.

Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Dhaqanka waa inay u istaagaan inaysan xabad dhicin oo wax waliba lagu xaliyo wadahadal nabad nabad in la qaato”Ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya oo ka hadlaye Munaasabad shalay Muqdisho ka dhacday.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku cel-celiyay in dagaalada dhanka qabiilka ku saleysan ay taageero u yihiin Al-Shabaab, wuxuuna dhinacyada dagaalamaya ugu baaqay inaysan taageero u noqon Shabaabka oo Dowladda dagaalka kula jirta, sidaasi awgeedna loo baahan yahay in la joojiyo dagaalada.

Xasan SHEEKH

Idale news online, Muqdisho.