Dhageyso Madaxweyne Xasan Sheekh oo cod dheer ku diiday in la dhiso maamul ka kooban 6 gobol.

0
190

[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2014/01/XasanKulmiye.mp3|autostart=yes]
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo munaasabada sanadkii la soo dhaafey ee 2013 isbarbardhig ku sameynaayey waxa u qabsoonmey dowladiisa sanadkii iyo barka ay jirta iyo waxa aan u qabsoomin ayaa ka hadley arrimo ay ka mid yihiin siyaasada, amniga iyo dhismaha maamulada dalka iyo arrimo kale.

Madaxweynaha oo ka hadlaayey waxa u qabsoomey dowladiisa intii ay jirtay  ayaa sheegay in marxalada hadda la joogo ay imaan karto gaabis islamarkaana ay ku dadaalayaan caqbadaha hortaagan dawlada sidii looga gudbi lahaa,Madaxweynuhu waxa uu tibaaxay in hormar ay kasameeyeen dhinaca amaanka,adeega Bulshada iyo dib uhabeynta Maaliyada.

Madaxweynaha oo la weydiiyey in dalka ay suurtogal tahay in 2016 ay doorasho ka dhacdo xor ah ayaa yiri “Haa waxa dhiman waa sharuucdii federaalka, tii axsaabta, dhameystirka dastuurka iyo afti loo qaado intaas ka dibna waa inaan meelihii doorasho ka dhici karto iyo meelaha aysan ka dhici karin qaabkii loo maareen lahaa la iska eego’

Madaxweynaha Soomaaliya la weydiiyey waxa dowladiisu ka aaminsan tahay shirka maamul u sameynta 6da gobol ee loogu magacdarey  Koonfur Galbeed Soomaaliya ee haatan gogashiisu taalo magaalada baydhabo ayaa yiri: “Baydhabo in shir la isugu tago lagu shiro waan barakeynay waana tageynaa LAAKIIN inta dhiman iney maamul u sameeyaan taladeenu waa taas, waana kula talinay waana u sheegay talada dowladuna waa taas, meeshii maamul u sameysay sheekadiisu way dhamaatey, meelhii kale ee himan ee aan maamul laheyn in aan maamul u sameyno ayaanu la rabaa ka dibna la iswaafajiyo intii is raba ayaa madaxweynuhu hadalkiisa ku soo koobay.

Hadalka Madaxweynaha iyo mowqifka uu shirka KG ka istaagey ayaa muujinaysa in dowladu ay si cad u diidan tahay maamul ka kooban lix gobol, iyadoo sidoo kalena ay jiraan siyaasiyiin la soo jeedo gobolada Bay iyo Bakool oo taageersan aragtida madaxweynaha iyo siyaasada dowlada ee lagu sameynaayo maamul ka kooban labo gobol (Bay iyo Bakool) ama mid ka kooban seddex gobol(Shabeelaha Hoose, Bay iyo Bakool) ugu badnaan.

madaxweyneXasanSheikh

Idale News Online, Mogadishu, Somalia.