Dhageyso: Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Cadeeyey Mowqifka DFSoomaaliya Dagaalka Ka Dhanka Ah Ee Xuuthiyiinta Yemen

0
463

Muqdisho(INO) Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan SH Maxamuud ayaa difaacay go’aankii ay dowladda federaalka Soomaaliya ku taageertay dagaalka lagu hayo Xuutiyiinta dalka Yaman xili ay wadankaas ku sugan yihiin kumanaan Qaxooti Soomaaliyeed.

xasan

Madaxweyne Xasan SH Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Yaman ay ka midaysan yihiin la dagaalanka xagjirnimada,wuxuuna shaaca ka qaaday in dowladda Soomaaliya aysan aqbaleen in qori caaradiis lagu rido dowladda sharciga ah ee dalka Yaman.

Madaxweynaha oo waraysi siinayey Idaacadda VOA-da Laanteed afka Soomaaliya ayaa waxaa la weydiiyey in siagu uu qaadayo masuuliyadda dhibaatada la gaarsiiyo dadka Soomaaliyeed ee dalka YAman maadaama uu qaatay go’aan lagu deg degay oo keeni kara in Soomaalida la bartilmaameedsado.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay mu mashquulsan tahay sidii ay dadka Soomaaliyeed uga soo daad gurayn lahayd dalkaasi Yaman,wuxuuna xusay iney arintaa iskaashi kala samaynayaan wadamo ku yaalla Khaliijka Carab iyo Qaramada Midoobay, Xasan SH ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay dalka soo gaari doonaan dad badan oo dowladdu ay kasoo qaaday dalka Yaman.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale wax laga weydiiyey go’aankii ay Soomaaliya kula safatay dowlada Sucuudiga oo muran siyaasadeed kala dhexeeyey dalka Sweden  iyo Saamaynta ay ku yeelan karto danaha Soomaaliya ee dalka Sweden.

Madaxweynaha ayaa shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay qayb ka tahay wadamada dunida isla markaane ay xaq u leedahay iney taageerto cidii ay doonto,wuxuuna farta ku fiiqay inuusan jirin wax saamayn ah oo go’aanka Muqdisho looga dhawaaqo uu ku yeelanayo Soomaalida dalka Sweden ku nool.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here