Muqdisho(INO)-Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee dawladda Faderaalka Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayay magaalada Jowhar ee gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in magaalada Muqdisho lo dhisayo maamul gaar ah oo ay beel gaar ah leedahay, taas oo kamid ah arrimihii uu ka shaqeynayay sanooyinkii u dambeeyey.
Xasan Sheekh wuxuu sheega in maamul gobaleed gaar ah loo dhisayo Muqdisho, isagoo xiligaas muujinayey in ay Muqdisho leeyihiin dad gaar ah, taas oo ka soo horjeeda Dastuurka dawladda Faderaalka ee Soomaaliya.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku dadaali doono sidii maamul goboleed loogu sameyn lahaa gobolada Waqooyi ee Somaliland.
Waxa uu sheegay in Nidaam dhismaha maamul goboleedyada uu sii socon doono tan iyo inta la xaqiijinaayo maqaamka Caasimada iyo sidoo kale maamulka gobolada Waqooyi loo dhisaayo.