Dhageyso: Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Madaxda Madasha oo lagu eedeeyay Awood Balaarsi

0
189

Muqdisho(INO)- Shirkii Madasha Wadatashiga Qaran ee dhowaanahan ka socday Muqdisho ayaa laga soo saaray war-murtiyeed arrimaha lagu sheegay ay ka mid yihiin in la kordhiyey tirada xubnaha Aqalka Sare.

Cabdulaahi Maxmed Shirwac oo ah aqoonyahan si dhow ula socda siyaasadda Soomaaliya, kana tirsan bulshada rayidka ayaa ku tilmaamay Madaxda Madasha Qaran ee Somalia kuwa awoodda sii ballaarsanaya.

Shirwac waxa uu sheegay in loo baahnaa in madaxda Madasha ay sheegeen waqtiga saxda ah ee ay awoodda u leeyihiin go’aan ka gaarista siyaasadda dalka Soomaaliya.

Waxa uu Shriwac sheegay in beesha caalamka ay madaxda Madasha ku taageertay tallaabooyinka ay qaadayaan.