Dhageyso: Madaxweyne Xasan: “Dhaqaalaha Ka yimaada shir dib u dhiska Somalia ee Belgium si siman ayaa dalka loogu qaybin doonaa”

0
198

Iyadoo dhawaan lagu wado in dalka Belguimka uu ka dhaco shir dhaqaalo loogu uruurinayo dalka Soomaaliya ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu sheegay in dhaqaalaha soo gala Soomaaliya si siman loo qeybsan doono.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan cid waliba oo Dowladda Soomaaliya taageero siinayso,taasina macnaheeda ay tahay in Soomaaliya weli ay ubaahan tahay taageero.Madaxweynaha Soomaaliya ayaa yiri “Cidii diyaar u ah inay ka qeyb qaadato waan soo dhaweynaynaa si walba oo ay kaga qeyb qaadan karto waan soo dhaweynaynaa baahideena gudaha waa kala duwan tahay waxaana nahay hal dal oo Soomaaliya la isku dhaho”.
[audio:http://saadaalnews.com/wp-content/uploads/2013/07/Madaxweynaha-Soomaaliya-2.mp3]

madaxweyneXasanSheikh

Isaga oo sii hadlaya ayaa wuxuu sheegay Madaxweynaha hadba sida loo kala baahi badan in dhaqaalaha soo gala dalka Soomaaliya loo kala qeybsan doono.Soomaaliya ayaa in badan waxaa loogu deeqay dhaqaalo afka un ku kooban iyo mid si toos ah gacanta madaxda Dowladda ugu dhacday,taasi oo aan la ogeyn halka ay martay iyo meesha ay ku dambeyso