Muqdisho(INO)-Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan oo loo caleemasaaray madaxweynaha Maamulka Koonfur-Galbeed Somalia ayaa rajo ka muujiyay in Somalia ay doorasho ka dhaci doonto sanadka 2016, isagoo xusay inuu danaynayo in uu ka qeybgalo tartanka xilka madaxtinimada Soomaaliya.
Shariif Xasan ayaa wareeysi lala sheegay uga hadlay khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha iyo RW iyo sida lagu xallin karo.
Haddaba ugu horreyn waxaa la weydiiyay in xal laga gaaray iyo in kale arrinta dadkii ka soo horjeeday ee diidanaa maamulka saddexda gobol ee isaga hogaamintiisa loo doortay.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Muqdisho