Dhageyso: Madaxweyne Shariif Xasan Oo Lagu Eedeeyay Musuq Maasuq

0
210

Baydhabo (INO)—Xildhibaan Daahir Maxamed Cirro oo ka mid ah Xildhibaanadii Baarlamaanka KMG ahaa oo la hadlayay Warbaahinta ayaa nasiib daro ku tilmaamay in shacabka Koonfur Galbeed ay hogaanka ku aaminaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ah shaqsi musuq-maasuq badan sameeyay, sida uu hadalka u dhigay.

Daahir Cirro ayaa sheegay in Madaxweyne Shariif Xasan uu dayacay mas’uuliyadii ka saarneyd Shacabka, isagoo xusay in maamulka  Koonfur Galbeed uu ka mid yahay maamulada dhulkooda ay leeyihiin qeyraad aad u fara badan, kaasi oo loo baahan yahay in shacabka looga faa’ideeyo.

Mr. Cirro oo hadalkiisa sii wato ayaa tibaaxay in shacabka Koonfur Galbeed looga baahan yahay in ay hal meel uga soo wada jeestaan maamul xumada Madaxwayne Shariif Xasan

Dhinaca kale, Daahir Ciiro ayaa ku eedeyay Madaxwayne Shariif Xasan in uu lunsaday lacago aad fura badan oo uu magaca dowladda iyo shacabka uu ku soo qaaday, lacagahaas oo uu ku sheegay in ay gaarayeen ku dhawaad hal malyan.

Si kastaba, maalmihii dambe ayaa waxaa jiray dhaliilo xoogan oo loo jeedinayay madaxwaynaha maamulka Koonfur Galbeed, taasi oo la xariirta in uusan xil iska saarin ka shaqaynta howlihii loo igmaday ee la xariirto u shaqaynta shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Halkan  Ka Dhageyso