Dhageyso: Madaxweyne Shariif Xasan Oo La Kulmey Bulshadda KGS Ee Ku Dhaqan Magaalada Garowe

0
194

Garowe(iINO)- Madaxweyaha dawlada Koonfur Galbeed ee dalka Soomaaliya Shariif Xasan Sh Aadan oo kamid ah Madaxda Siyaasada ee booqanaya magaalada Garoowe ayaa saaka la kulmay bulshada ka soo jeeda gobalada Baay, Bakool iyo Shabeelada Hoose, kuwaas oo nolol wanaagsan ku haysta deegaanada Puntland.

Halkan Ka Dhageyso

Mudadii uu socday shirka ayaa lasoo qaaday doorka ay Bulshadan ka qaadato nabadgalyada iyo Horumarka ka jira deegaanada Puntland, iyadoo lagu amaanay Bulshadan in ay noqdeen bulshada kaliya ee horumar kasta kow ka noqda, isla markaasna la yimid isku tashi dhameystiran oo ay kula shaqeynayaan laamaha amaanka ee Puntland.

1

Maamulka gobalka Nugaal iyo dawladda dhexe ee Puntland ayaa ka amaan sheegtay Bulshadan, waxa ayna ku sifeeyeen in ay tahay mid leh hal meel oo loogu hagaago, isla markaasna marar badan oo loo baahday la helay.

Madaxda Bulshadan ku dhaqan deegaanada Puntland ayaa ka amaan sheegtay Puntland, waxa ayna sheegeen in ay noqdaan cida kaliya oo si laab furnaan ah usoo dhaweysay markii ay ka soo qaxeen deegaanadodii dagaaladii ahliga ka sokow, sidaas oo kale waxa ay sheegeen in ay heleen amaan iyo soo dhaweyn markii laga soo cayriyey deegaanada udhaw Puntland.

Madaxda bulshada gobaladaas ayaa balan qaaday in ay wax badan kala shaqeyn doonaan Puntland amaankeeda iyo horumarkeeda, waxa ayna sheegeen in la gaaray waqtigii ay si rasmi ah codkaaga uga dhiiban lahaayeen masiirka Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sh Aadan oo fadhigan soo xiray ayaa bogaadiyey soo dhaweynta Puntland ee dadkan, wuxuuna sheegay in ay og yihiin abaalka ay gashay Puntland, wuxuu kula taliyey Shacabka gobalada Baay, Bakool iyo Shabeelada Hoose, in ay mar kasta uhiiliyaan amaanka iyo kala dambeynta.

18

1234678910111213141516 1718

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here